Home Wararka Gudaha Cumar C/rashiid: Habka doora- sho ee cudurka qaba ee gacanta lagu hayo...

Cumar C/rashiid: Habka doora- sho ee cudurka qaba ee gacanta lagu hayo hadda waxay u dhowday

232
0

(Nairobi-Xog-ogaal) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka digay dib u dhacyada hareeyay doorashooyinka dalka, iyada oo ilaa iyo haatan aysan cadeyn xilliga ay soo dhamaaneyso doorashada xildhi-baanada golaha shacabka oo mamaulada intooda badan aysan waxba ka qaban, Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay xagal-daacinta lagu hayo doorashada inay mustaqbalka saamayn ku yeelan karto dowladnimada dalka, isaga oo dhinacyada ay quseyso arrintan ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii doorasho cadaalad iyo deg deg leh dalka uga dhici leheyd.

“Haddii aad hesho cunto wasakhaysan, ma jirto wax faa’iido ah oo aad ka baarto, keliya waad tuuraysaa, habka doorasho ee cudurka qaba ee gacanta lagu hayo ayaa laga yaabaa inuu sum-eeyo nidaamka dowladnimo ee mustaqbalka” ayuu yiri Cumar C/rashiid, marxaladaha ku gad-aaman doorashada sanadkan ayaa ka dhigeysa inay Soomaaliya wajaheyso doorashadii ugu adkeyd, tan iyo dib u yegleelidda dowladnimadeeda oo muddo kow iyo labaatan sano ah laga joogo.

Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay in hannaan hufan oo doorasho lagu gaari karo in xilka si nabdoon loogu kala wareego, “Bedelka hab maamuuska khaldan ee doorashada waxay noqon kartaa dariiqa keliya ee loo mari karo in si habsami leh oo nabdoon xilka loogu kala wareego” ayuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.