Home Wararka Gudaha Codeeynta doorashada golayaasha degaannada Puntland oo bilaabatay

Codeeynta doorashada golayaasha degaannada Puntland oo bilaabatay

10
0

Khamiis 25-ta May 2023, (Garowe-xog-ogaal) Doorasho Taariikhi ah ayaa saaka ka bilaabatay deegaannada Puntland, doorashada golaha deegaanka ee qof iyo cod ayaa si habsami leh uga bilaabatay  degmooyin badan ee Puntland, dadka ayaa safaf dhaadheer ugu jira u codeynta in ka badan 3000 oo musharrax oo ka kala socda todoba xisbi.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay kamid tahay Garowe, sababa la xiriira xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe, saddexda degmo ee doorashadooda dib loo dhigay ayaa kala ah, Garowe, Dangarayo iyo Godob-jiraan, kuwaas oo hoos yimaada gobolka Nugaal.

Ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta doorashada kasoo horjeeda ayaa hor istaagay in qalabka doorashada la geeyo degmooyinkaas, sidoo kalena waxay ku hanjabeen inay carqaladeynayaan goobaha doorashadu ka dhacayso, guddiga Puntland  doorashada waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan taariikhda dib loo qaban doono doorashooyinka saddexda degmo ee doorashadooda la hakiyay.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.