
(Kismaayo-Xog-ogaal) Ciidamadda Kenya ee ka tirsaa AMISOM ayaa ka baxay xarumo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha ee maagalada kismaayo, waxaana la wareegay ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugnaa.
Ciidamada Itoobiyaan ee ku sugan Magaalda Kismaayo oo ka tirsaa Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa hada gacanta ku haya amniga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo oo mudooyinkii dambe ay shaqaaqooyin ka dhaceen markii Maamulka Ahmed Madoobe xayiraad ku soo rogay Musharaxiinta la tartamaysa.
Qorshaha ay Ciidamada Itoobiya kula wareegeen aminga Garoonka Kismaayo ayaa imaanaya xili xasaasi ah oo Maamulka Jubbaland ay galayso doorasho Madaxweyne iyo Barlamaan, waxaana wararku sheegayaan in sharaakiisha Itoobiyaanka ee ku sugan Magaalda Kismaayo uu kulan gaar ah dhex maray Madaxweynaha Jubbland Ahmed Maxamed Islaam oo ay kawada hadleen amniga garoonka.
Madaxda AMISOM ayaa ku sii jeeda Magaalada Kismaayo, iyadoo la filayo in ay kulamo la qaataan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Xog-ogaal Newspaper
Xafiska Mogadishu
xog_ogaal@live.com