Home Wararka Gudaha Ciidanka Somaliland ee ku sugan Tukaraq oo gadood sameeyay iyo sababta oo...

Ciidanka Somaliland ee ku sugan Tukaraq oo gadood sameeyay iyo sababta oo la ogaaday

341
0

Wararka ka imaanaya  deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Somaliland ee halkaasi ku sugnaa ay ka sameeyeen gadood kadib markii amaro uga yimaadeen sida ay sheegeen saraakiishooda

Sababta Ciidamada Somaliland ay Gadoodka u sameeyeen ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii ay dalbadeen in ay ka iska difaacaan weeraro ay soo qaaday Jabhad lagu magacaabo SSC,hayeeshee ay ka hor-yimideen Jawaabtii ay bixin lahaayeen Taliyeyaashooda.

Sida warku sheegayo Ciidamada ayaa isaga baxeen Fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Tukaraq,isla markaana waxaa la sheegay inay doonayeen in Jawaab cad ka bixinyaan dagaal habeen kahor ay kusoo qaadeen Jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug,kaasi oo aan weli la shaacin khasaaraha uu geystay.

Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka gadoodka sameeyay ayaa tilmaamay in haddii ay weerarkaas Jawaab ka bixiyaan ay dhalan karto xiisad sababta dagaal beeleedyo,sidaa owgeed ay fariisimahooda ku sugnaadaan ayna is difacaan haddii la soo weeraro ,balse aysan iyagu wax weerar ah qaadin.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo  deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool gaar ahaan goobihii ay ka baxeen  Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ee gadoodka sameeyey ayaa waxa ay sheegayaan in hadda dib loogu soo celiyay halkaasi Ciidankii kabaxay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.