Home Wararka Gudaha Ciidanka Naafadda xoogga dalka oo mar kale dibadbax ka dhigay xarunta madaxtooyada...

Ciidanka Naafadda xoogga dalka oo mar kale dibadbax ka dhigay xarunta madaxtooyada Soomaaliya

218
0

Mar kale waxaa  shalay isugu tagay Ilinka hore ee xarunta madax-tooyada Soomaaliya ciidankii hore ee naafadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo todobadkii hore sidan oo kale u dibadbaxay,kuwaas oo sida ay sheegeen ka cabanaya Mushaar la,aan iyo duruufo kale oo haysta.

Dadka banana-baxaya ayaa xirtay wadada, iyagoo diiday in la maro wadada laamiga, waxaana ay ku qeylinayeen in ay u baahan yihiin xuquuqdii dowladda siin jirtay,gaar ahaan mushaaraadkii iyo baahiyaha kale ee ay qabaan ciidamadaasi

Ciidamada naafadda ee dibadbaxa dhigaya ayaa ka mid ah ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed eek u naafoobay dagaalkii 1977kii ee dhaxmaray dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya iyaga oo ku doodaya in aysan wax xuquuq ah helin.

Qaar ka mid ah Naafada ciidankii hore ayaa sheegay in madax-weynaha uu horay uga balan-qaaday in ay si joogto ah u helayaan xuquuqdooda,laakiin aysan waayan helin wixii loo balanqaaday ay xaaladoodu adag tahay oo aysan heysan Nolol maalmeedkii iyo mushaaradakii la siin jiray,iyaga oo weliba iyagu qaba baahiyo gaar ah oo ah naafanimo.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa jiray cabasho ka soo yeerayay ciidamada oo ku saabsanaa in aanay wax mushaar ah helin muddo bilo ah, waxaana jiray ciidamo ka soo baxay furimaha dagaalka kuwaas oo qaarkood la xalliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here