Home Wararka Gudaha Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo la wareegay degaanka Baraag Maxamed...

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo la wareegay degaanka Baraag Maxamed Daa’uud

19
0

Talaado 7-da November 2023, (Dh/mareeb-xog-ogaal) Ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka dadka deegaanka ayaa howlgalo culus oo ay ka fuliyeen deegaano kamid ah gobolka Mudug la wareegay saldhigyo Al-shabaab ay halkaasi ku lahaayeen, sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, ciidanka isbaheysanayay waxey la wareegeen deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug, howl-galkaan ayaa waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21-aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, Shabaabkiii joogay deegaankaan ayaa halkaas isaga cararay. Waxaana firxadkooda ku sii daba jira ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa deegaanka ka wada baaritaano, iyagoo ka baarayay hadii ay jiraan miinooyin ay kooxda uga tagtay deegaanka, si shacabka dib ugu soo laabanaya aysan u dhibaateyn, deegaankan ay ciidanka qabsadeen ee Baraag Cali gaduud ayaa kamid ah degaanada hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaa halkaasi mudo dheer shacabka ku dhibaateyneysay  Al-Shabaab.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.