Home Wararka Gudaha Ciidanka danab oo la wareegay deegaano cusub oo ka tirsan Sh/Hoose…..

Ciidanka danab oo la wareegay deegaano cusub oo ka tirsan Sh/Hoose…..

473
0

(Marka-Xog-ogaal) Deegaanka ceel-saliin oo 20-km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Marka ee xarunta gobalka shabeellaha hoose iskuna xira deegaanada dhanaane, gardarshe, nambar 60 iyo deegaano kale ayaa marin muhiim ah u ahaa al-shabaab ayaa lagala wareegay.

ciidamada xoogga dalka ee danab ayaa al-shabaab dagaal uga qabsaday deegaano dhowr ah oo hootaga magaalada marka ee xarunta gobolka shabeellaha hoose.

Gashaanle C/raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) taliyaha ururka 4aad ee xoogga dalka Danab oo hogaaminayay howlgalka ayaa sheegay  in  ciidamada xoogga dalka ay ku dadaali doonan  dib u howlgelinta ceelbiyood Al-shabaab ay ka gubeen dadka deegaanka ceel-saliin ee goblka shabeellaha hoose.

dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka SH/hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa si nabad ah ku gaareen deegaanka xarshanleey ee degmada barawe halkaas oo al-shabaab dagaal looga saaray.

“waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka sidoo kale waxaan bogaadinayaa ciidamada danab oo shabaab ka saaray deegaanka ceel saliini ee degmada marka”ayuu yiri guddoomiye najax.

ciidamada xoogga dalka ee danab ayaa shalay dagaal kula wareegay deegaano cusub oo hootaga magaalada marka ee xarunta gobolka shabeellaha hoose.

Xog_ogaal@live.com

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.