Ciidamo Kumaandos oo Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyey ee lagu soo tababaro dalka turkiga oo horey u soo tababaray ciidamo kala duwan oo ka kala tirsan qeybaha kale ee ciidamada xoogga dalka.
Ciidamadan oo tiradoodu ku dhowdahay 300 askari ayaa waxay soo dhammeysteen tababar muddo badan uga socday dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Milateriga iyo saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga oo hadal kooban u jeediyey ciidamadan ayaa sheegay iney sugeyso waajibaad culus oo ah sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen sugida amniga dalka, wuxuuna u mahad celiyey dowlada Turkiga oo ciidankan siisay tababar casri ah.