Home Wararka Gudaha Ciidamo Gadoodsan oo xirtay halka laga galo Xarunta doorashada ee Beledweyne

Ciidamo Gadoodsan oo xirtay halka laga galo Xarunta doorashada ee Beledweyne

183
0

Isniin 28-da Maarso, (Beledweyne-xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan oo kasoo jeeda beesha leh kursiga HOP#059 ay saaka xirteen halka laga galo Xerada lamagalaay oo ah halka lagu qabto doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashada labaad Hir-Shabeelle,gadoodka Ciidamadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle & Odayaasha leh kursiga Hop#058 ay isku fahmi waayeen hanaanka loo marayo doorashada kursigaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan inay socdaan wada-hadallo ay wadaan qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka si loo dejiyo xaaladda, isla markaana si Nabad ah loo qabto doorashada kursiga Hop#059 oo ay hadda ku fadhiso Samiiro Xasan Cabdulle, dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Magaalada Beledweyne waxaa lagu arkay Ciidammo ka gadoodsan doorashada kuraasta Golaha Shacabka wallow markii dambe la xaliyay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.