Home Wararka Gudaha Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Koontorool kuyaalla Boosaaso

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Koontorool kuyaalla Boosaaso

38
0

Talaado 30-ka May 2023, (Bosaaso-xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ciidamo katirsan kuwa Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay la wareegeen afaafka hore baraha Control ee laga ilaaliyo Dekedda magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in muddo lix Bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana Xukuumadda Puntland ay ka doonayaan xaquuqdooda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada gadoodka sameeyay oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ay isku hor-fadhiyaan Koontoroolka laga galo Dekadda Boosaaso Ciidada ilaaliya dekadda, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in laga cabsi qabo inay dagaalamaan, waxa ay Ciidanka isku hor fadhiyaan afaafka hore ee dekedda Ciidanka amaanka Dekedda Qaabilsanaa, ilaa iyo haatan.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Ciidan badan oo katirsan kuwa Puntland ay sameeyeen  gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan, waxaana qaarkood ay xirteen waddooyin muhiim ah oo kuyaalla degaannada Puntland wallow markii dambe la xaliyay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.