Home Wararka Gudaha ciidammada DF Somaaaliya oo dhaq dhaaq ciidan ka wada ….

ciidammada DF Somaaaliya oo dhaq dhaaq ciidan ka wada ….

413
0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay shalay la wareegeen deegaanka Bariire oo Afgoye u jira 30KM.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada Danab ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo hor leh ay ku qul qulayaan deegaanada Ciidamada la wareegaan, waxaana ciidamadan ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in qorshahooda yahay sidii Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka Bariire, isla markaana ay iyaga gacanta ku hayaan.

Deegaanka Bariire ayaa sanadkii 2017 waxaa la wareegay Ciidamada dowladda, hase ahaatee bilo kaddib ayay isaga baxeen, iyadoo ay qabsadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo beegmaya, todobaad kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu booqday deegaanka Sabiib, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada ay heystaan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.