Home Wararka Gudaha Ciidamadda Koofur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay Magaalada Baydhabo.

Ciidamadda Koofur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay Magaalada Baydhabo.

148
0

Sabti 30-ka July 2022, (Baydhabo-xog-ogaal) Ciidamadda amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa howlgallo  ka bilaabay magaalada Baydhabo oo xarun Kumeel Gaara u ah maamulkaasi, iyadoo howlgalada lagu baarayo gaadiidka iyo dadweynaha, ciidamadda ayaa si gaara uga howlgalaya kontoroolada laga soo galo magaalada, waxeyna saraakiisha hoggaamineyso ay sheegeen iney heleen xoggo sheegaya in magaalada ay soo galeen xubno Shabaab ah oo doonaya in falal amni daro ay ka geystaan xarunta gobolka Baay.

Kooxda Shabaab ayaa todobaad gudihiis 3 qarax oo sababy dhimashada inkabadan 20 ruux ka geysatay magaalooyinka Marko,Afgooye iyo Baydhabo oo ka wada tirsan Koofur Galbeed, waxaana barbar socda dagaal laba todobaad qaatay oo ka tirsan gobolka Bakool ee dhaca xadka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.