Sabti 1-da October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal)Wararka ka aan ka helayno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda ay isaga soo baxeen Deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee Gobalka Hiiraan, halkaasoo dhawaan lagala wareegay Urubka Al-Shabaab, intaasi waxaa sii dheer in ciidamadda deegaanadaasi baneeyay ay saldhigteen degmooyinka Buula-barde iyo Maxaas, iyadoo cabsi xooggan ay soo wajahday shacabkii hore u soo dhaweeyay ciidamadan.
Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday dadaalo uu hormuud u ahaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu ku doonayay inuu ciidamadda ugu qanciyo iney deeganadaasi joogaan, wixii tabasha ah ay qabaanna la xalin doono, walow ay soo dhamaatay mudadii ay saraakiisha ciidamadda u qabteen Cali Jeyte, soona dadajisay go’aanka ka soo bixitaanka goobahaasi, arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneysa howlgaaldii ka dhanka ahaa Shabaab, waxaana wal wal la soo darsay dadka shacabka ah ee looga tagay deegaanada ay ciidamadda isaga bexeen, xili hore ay hubka u qaateen iyagoo muujiyay colaada ay u qabaan Al-Shabaab.