Home Wararka Dibadda Ciidamadda dalka ingiriiska oo isaga baxay Magaalada kaabul

Ciidamadda dalka ingiriiska oo isaga baxay Magaalada kaabul

155
0

Dowlada Ingiriiska ayaa kala baxaday muwaadiniinteeda ku sugnaa dalka Afganistan gaar ahaan Magaalada Kabul oo ay dhawaan la wareegeen  Taalibaan, ciidamo badan oo ka socday dalka Ingiriiska ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada kabul gaar ahaan garoonka diyaaradaha Hamid Karzai halkaas ay ka wadeen daadgureynta diblumaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalkaasi.

Mid ka mid ah diyaaradaha  ciidamadda Ingiriiska ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha kabul, waxa ayna soo gabo gabeesay joogitaankeedii dalka afganistan oo ay la wareegeen taalibaan, ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda dalka Mareykanka ee wali jooga garoonka diyaaradaha kabul ayaa fursad u heesta in halkaasi sii joogaan ilaa 31-da bishan oo kaliya oo ay ka harsan tahay labo maalin oo kaliyah.

Dhica kale Milatariga Mareykanka ayaa  isagana iskaga baxaya dalka Afganistan waqtigii ay ku heshiiyeen Mareykanka iyo taalibaan oo aheyd 31-da bishan, waxaana maamulka garoonka si buuxda ula wareegi doona mamaulka taliban oo talada Afganistan la wareegtay.

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.