Isniin 18-ka July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ciidamadda amaanka ayaa saaka howlgal culus ay ka sameeyeen xaafado kamid ah degmada Hiliwaa ku soo qabtay burcad dhac geysaneysay, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo howlgalka intii uu socday ka dhashay.Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalka oo laga sameeyay xaafada Suuqa Xoolaha lagu soo qabtay Afar burcad ah oo dhac ka geysanayay degmada Hiliwaa, kuwaasoo qabashadooda ay ka danbeysay kadib markii dadka deegaanka ay cabashadooda u soo gudbiyeen maamulka degmadaas.
Saraakiil ka tirsan booliska degmadaas ayaa sheegay in danbiilayaasha ay u gudbiyeen xarunta baarista ee C.I.D, halkaasoo ay ka socoto baarista raggan, waxaana la filayaa in loo gudbiy hay’adaha kale ee garsoorka gobolka Banaadir, arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili maalmihii la soo dhaafay ay cabasho is daba joog ah ka soo yeereysay shacabka Muqdisho, iyadoo caasimadda ay joogto ka noqdeen dhaca ay geysanayaan burcadda, waxaana mararka qaar ay dil yo dhaawac u geystaan dhalinyarada isku dhajisa agabka ay ka qaadanayaan.