Isniin 11-ka July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal)bCiidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa degmooyin ka tirsan Gobolkaas ka sameeyay hawlgal ka dhan ah Al-shabaab, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa qortay in hawlgalkaas laga fuliyay inta u dhexaysa degmooyinka Doolow iyo Luuq oo ka tirsan Gedo.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab hawlgalkaa khasaar xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana looga qabsaday degaano dhawr ah, degaannada Al-shabaab laga saaray waxa kamid ah Shaatalow oo u dhexeeya degmada Luuq iyo degaanka Geedweyne sida ay sheegeen saraakiisha.