Jimce 26-ta August 2022, (Baydhabo-xog-ogaal) Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali nur Shuute ayaa uga digay ciidamada qalabka sida ay ku milanka loolanka u dhaxeeyo siyaasiyiinta isku khilaafsan danahooda gaarka ah iyo arrima kale, guddoomiyaha oo boqolaal askari kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in markasta ay dhacdo siyaasad aan wanaagsaneyn ay ka dhalato inuu dhiig daato, balse ciidamada looga baahanyahay inay wixii sharci ah ay difaacaan.
Wuxuu sheegay in siayasad toosan ay sahli karto in dalka uu noqdo mid toosan oo amni ah, isla markaana sarkaalka iyo ciidamada looga baahan yahay inay wadaniyaddu ay tahay in qof walba uu u hiiliyo dalkiisa balse dowladda loo hiilin karo markii ay ku soocto waddo sax ah oo sharci ah, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay si hagar la’aan u difaacan dalka, ayna ka hortagaan Al-shabaab oo mar walba weerar ka geysta dalka ayna yihiin kuwo iska sii dhamaanaya sida u hadalka u digay.