Home Wararka Gudaha Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

106
0

Isniin 8-da August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 5aad ee qeybta 27aad, Ciidanka DANAB  & maleeshiyaad degaanka a oo oo howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan gobolka Hiiraan ayaa Maanta Al-Shabaab waxaa ay kala wareegeen degaano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, howgalka ayaa waxaa hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana lagula wareegay degaannada Coomaad, Bacda, Laansaban, Bukure iyo degaanno kale, halkaas oo shalay diyaaradaha itoobiya ay duqeymo ka fuliyeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa sheegay in degaannada ay la wareegeen uusan wax dagaal ah ka dhciin kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab, isla markaana ay guud ahaan xaqiijiyeen amniga degaannadaas, Sidoo kale saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaan ay uga jawaabayen kadib markii saacadihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab gubeen deegaanno badan isla markaana qaraxyo ku xereen Ceelasha dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Muddo bilo ah ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano hoostaa degmooyinka Maxaas & Matabaan, si ay degaannadaas uga saaraan Al-Shabaab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.