Home Wararka Gudaha Ciidamada dowladda oo la wareegay degaan u dhow degmada Guriceel

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaan u dhow degmada Guriceel

94
0

Isniin 19-ka September 2022, (Guriceel-xog-ogaal) Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda ayaa Maanta waxaa ay howlgallo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaano u dhow degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug, ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay kula wareegeen gacan ku heynta degaanka Jaw oo qiyaastii 55km u jirta Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa sheegay in dagaal kooban oo ka dhacay degaankaasi ay Ciidanka Dowladda ay cagta mariyeen Xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa degaanka, sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ciidanka Dowladda oo gacan ka helaya dadka degaanka ay halkaas  weli ka wadaan howl gallo ammaanka lagu xaqiijinaayo si meesha looga saaro Al-Shabaab.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.