Home Wararka Gudaha Ciidamada dowladda oo gurigiisa kala baxay Nabadoon Cabdullahi iyo warar dheerad ah...

Ciidamada dowladda oo gurigiisa kala baxay Nabadoon Cabdullahi iyo warar dheerad ah oo..

255
0

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ka labaxay gurigiisa Nabadoon Cabdullahi Xasan Abuukar oo ku magic dheer (C/llahi dheere ).

Sida wararku sheegyaaan Ciidamada ayaa tagay guriga Ninkan oo ku yaala xaafada Shareeco ee deegaanka Ceelasha Biyaha, iyagoo halkaas ka soo kaxeystay, waxaa la sheegayaa inay la soo aadeen magaalada Muqdisho.

Ehelada C/llaahi Dheere ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay ineysan garaneyn waxa lagu heysto Nabadoonka, iyagoo ka war helay ku dhowaad 4 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo gurigooda lagu hareereeyay iyo Ciidamo xoog ku soo galay guriga xilli dadka ay jiifeen.

C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere), ayaa hore u soo noqday Afhayeenkii Golaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee la aas aasay xilligii Ciidamadii Itoobiya Muqdisho joogeen.

Ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha aminga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan xariga nabadoonka, waxaana xarigiisa ka dhasay hadal hayn balaaran oo ay isla dhexmarayaan bulshada degan degaanka Ceelasha biyaha iyo Magaalada Muqdishu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.