Home Wararka Gudaha Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo degaano la wareegay

Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo degaano la wareegay

117
0

Jimce 22-da April 2022, (Dh/mareeb-xog-ogaal) Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maalintii labaad waxay Koonfurta Gobolka Mudug ka wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaano kamid ah Goblkaas, ciidankaan oo kaashanaya ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo kuwo is abaabulay oo dadka deegaanka ah waxay saraakiisha hoggaamineysa sheegeen in howlgalkaan u jeedkiisu uu yahay sidii Al-Shabaab looga xorayn lahaa dhamaan deegaanada dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Sidoo kale saraakiishu waxay xaqiijiyeen in saacadihii lasoo dhaafay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana weli ay Ciidamada kala duwan wadaan howlgallada,deegaanada ay Ciidamadu howlgalkaas ka fuliyeen, isla markaana ay la wareegeen waxaa ka mid ah, Shabeelow, Hareeri-dheere, Cimaamad, Dheghaye, Laas-gacamey iyo degaano kale oo dhowr ah, waxaana weli sii socda howlgalladaan xoreynta ah.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.