Home Wararka Gudaha Ciidamada Dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal culus ka wada duleedka Ceelbaraf

Ciidamada Dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal culus ka wada duleedka Ceelbaraf

127
0

Khamiis 5-ta May 2022, (Ceelbaraf-xog-ogaal) Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa ay howgal xoogan ka bilaabeen  duleedka degaanka Ceelbaraf halkaas oo dhawaan weerar qorsheysan ay kula wareegeen Al-Shabaab Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada ATMIS, Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka cul culus ayaa ku sugan inta u dhaxeeysa degaannada Ceelbaraf iyo miirtuugo ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay inay sameeynayaan howlgallo isugu jira baaritaano iyo Miino baaris.

Dad ku sugan degaanka Ceelbaraf ayaa Risaala u sheegay inay soo wajahday cabsi la xiriirta inay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS iyo Al-Shabaab maadaama weli qeybo kamid ah degaanka ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Talaadadii todobaadkaan waxaa ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, waxaana weerarkaas lagu dilay Ciidamo farabadan oo kamid ah Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.