Home Wararka Gudaha Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah sameeyay

Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah sameeyay

57
0

Khamiis 1-da June 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaadey Howlgal dagaal oo wadajir ah oo ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa degmada Balcad iyo Tuulada Galooley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, wadadaas ayaa dhowr jeer waxaa weerar ka fuliyay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo beegsaday Mas’uuliyiin iyo Askar katirsan dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey jidgooyooyin sharcidaro ah oo ay dhigeen Ururka Al-Shabaab, sidoo kale ATMIS ayaa waxaa kaloo sheegtay in howlgalka looga hortegay Xubno katirsan Al-Shabaab oo  qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Ciidamada Dawlada, ATMIS iyo shacabka deegaanka.

  

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.