Home Wararka Gudaha Ciidamada ATMIS & kuwa dowladda oo dib ula wareegay Ceelbaraf

Ciidamada ATMIS & kuwa dowladda oo dib ula wareegay Ceelbaraf

180
0

Talaado 17-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwo dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laba todobaad ka hor ay la wareegeen Al-Shabaab, ka hor la wareegitaanka degaanka Ceelbaraf Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa jirtay inay madaafiic ku duqeeyeen degaanka, waxaana diyaaradaha kuwa Qumaatiga u kaca ee Helacopter-ka ay ku dageen Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Dadka degaanka Ceelbaraf ayaa ku waramaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhinaca degaanka Miirtuugo ay iyana soo galeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Sbabaab,  maalmihii la soo dhaafay xaalad cakirnaan ah ayaa kajirtay degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana goor hore isaga barakacay badi dadkii deganaa oo ka cararay duqeymaha Ciidamada ATMIS iyo in dushooda lagu dagaalamo.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.