Sabti 4-ta Nov 2023, (Dh/Mareb-xog-ogaal) Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo muddo ay isku hor fadhiyeen Maleyshiyo beeleed ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, talaabadaasi kadib, saraakiisha ciidamada hoggaamineysay ayaa soo saaray awaamir amniga lagu adkeynayo.
Waxaa laga Mamnuucay magaalada in Hub lagu dhex qaato marka laga reebo Laamaha Ammaanka, mas’uuliyiin ka socota Maamullada labada magaalo ayaa ku sugan magaaladaas iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka, xiisad culus ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd deegaanka Xananbuure, iyadoo xiisada ay circa sii gashay markii todobaadkii hore Dhuusa-mareeb lagu dilay laba nin oo ganacsato ah, kuwaasoo kasoo jeeda magaalada Cadaado.