Home Wararka Gudaha China oo iska fogeysay inay saldhig millatari ka sameynayso Soomaaliya

China oo iska fogeysay inay saldhig millatari ka sameynayso Soomaaliya

191
0

Axad 24-ta April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Dowladda China ayaa waxay iska fogaysay inay raadinayso sidii ay saldhig millatari uga sameysan lahayd gudaha dalka Soomaaliya, safiirka China ee Soomaaliya, FEI Shengchao oo wareysi siiyay warbaahinta Goobjoog ayaa ku sifeeyay xog been abuur ah hadal horey ugasoo yeeray taliyaha ciiddanka Maraykanka ee Afrika.

Gen, Steven Towsend, ayaa dhowaan wareysi laga qaaday wuxuu ku sheegay in Soomaaliya iyo China ay ka wada hadleen qorshaha dhismaha saldhigga milatari ee uu china ka dhisanayso gudaha Soomaaliya.

“China ma raadinayo inuu saldhig milatari ka dhisto Soomaliya, Sidoo kale Soomaliya kama aynaan wada hadlin mowduucaas. Ma garanayo meesha xogtaan laga keenay,” ayuu yiri safiirka China u fadhiya Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, China iyo Maraykanka ayaa loolan xooggan ugu jira saamayntooda Geeska Afrika, iyagoo diblumaasiyiin gaar ah usoo dirsaday arrimaha waddamada kuyaala bariga Afrika.

Labada waddan ayaa mid kasta doonaya inay xiriir wanaagsan la yeesho dalalkan, si uu maalgashi ugu sameysto ugana faaidaysto kheyraadkooda dabiiciga ah.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.