Home Wararka Gudaha Caruur Walaalo aheyd oo ku geeriyooday dagaal Xalay ka dhacay magaalada Baledweyne

Caruur Walaalo aheyd oo ku geeriyooday dagaal Xalay ka dhacay magaalada Baledweyne

162
0
(Baledweyne-Xog-ogaal) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay saqdii dhaxe dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku yaala xaafada howlwadaag ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka Al-shabaab kusoo qaadeen magaalada Baledweyne ayaa ahaa mid waqti kooban socday, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana inta la xaqiijiyay weerarka xalay ka dhacay ku geeriyooday sadax caruur oo walaalo ahaa oo gurigooda uu kusoo dhacay Hoobiye, waxaana sidoo kale dhaawac ah laba kale oo caruur ah.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay ee Al-shabaab iyo ciidamada dowladda, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay laba dhinac oo la xiriira dagaalka xalay ka dhacay Baledweyne iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarka xalay dagaalamayaasha Al-shabaab kusoo qaadeen magaalada Baledweyne ayaa imaanaya xili shalay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sheegeen iney howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyeen ilaa 10 tuulo oo ka mid ah kuwa hoos yimaada Baledweyne, waxaana weerarkan uu u muuqda mid jawaab u ah howlagalkaasi iyo in ciidamada Shabaab dhankooda is muujinayaan ineysan wali ka fogeen magaalada Baledweyne.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.