Home Wararka Gudaha Cali Guudlaawe oo maanta Baladweyne kula kulmay Waxgaradka labo beelood

Cali Guudlaawe oo maanta Baladweyne kula kulmay Waxgaradka labo beelood

179
0

(Beledweyne-xog-ogaal) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Baadi Cade iyo Ciise Mudullood.

Madaxweynaha oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Waxgaradka beelahaan ayaa ka dhagaystay tabashooyinka ay qabaan iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta kala dhaxeysa Dowladda. Isagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka beelahaan dooorkii muuqday ay ku lahaayeen aas aaska Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan Dowladda, waxaana uu balan qaaday inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Dowladda Hirshabeelle.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.