Home Wararka Gudaha Cali Guudlaawe oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Afrika

Cali Guudlaawe oo la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Afrika

135
0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Madaxweynaha iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargalinta doorashooyinka dalka, xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, Amniga, mashaariicda horumarineed, dhibaatooyinka fatahaadaha ee soo noqnoqday iyo abaaraha.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee QM arrimaha Afrika ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii daaha furneed ee aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.