Home Wararka Gudaha Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo loo diiday in uu tago Baraawe

Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo loo diiday in uu tago Baraawe

195
0

Axad, 13 Feberaayo 2022(Baraawe-xog-ogaal) Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde, isaga oo kusii jeeday degmada Baraawe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu diiday in Cabduweli Muudeey uu tago Baraawe maadaama uu watay Ciidamo farabadan.

Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa markale u sharaxan kursiga HOP#145 ee Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in taratanka doorashada laga reebay.

la-taliyaha dhanka Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la sheegay in uu ka dambeeyo qorshaha lagu diiday in Cabduweli Muudeey uu tago Baraawe maadaama uu doonayo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.