Home Wararka Gudaha Cabdiraxman C/shakuur & wafdi uu hogaaminaaayo oo goor dhaw gaaray Magaalada...

Cabdiraxman C/shakuur & wafdi uu hogaaminaaayo oo goor dhaw gaaray Magaalada Garoowe

119
0

Khamiis 14-ta July 2022, (Garoowe-xog-ogaal) Wafdi uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka gaaray magaalada Garoowe ee Puntland, halkaas oo lagu soo dhaweeyey, Waxaa la filaayaa in Cabdiraxmaan iyo wafdigiisa ayaa mari doona meelaha ugu badan ay joogaan dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Ergeyga ay timid, kadib markii uu dalab usoo diray guddoonka baarlamaanka Puntland oo ka codsaday inuu kormeero deegaanada ay abaaraha ka jiraan, si uu usoo qiimeeyo xaaladaha dadka ay saameysay abaaraha jira, Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka, booqashada Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay safar ay Boosaaso ku tegtay Xidlhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday Gobolka Bari, waxaana dhacdadaasi ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo xil-saaray abaaraha iyo gurmadka socda ayaa horey u booqday deegaano ka tirsan maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle, halkaas oo uu qiimeyn guud kusoo sameeyey xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira goobaha uu gaaray.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.