Axad 12-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markale ka hadlay xaalada abaareed ee kajira guud ahaan dalka, taas oo u baahan in wax laga qabto, cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal ka jeedinayay Kulankii Maanta ee labada Aqal ayaa sheegay in Gobolada Soomaaliya oo ay kujirto Soomaaliland ay abaarta kajirta ay siweyn u saameeysay ku dhawaad 8 milyan oo Ruux, kuwaas oo wajahaya xaalad Qatar ah.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale ay jiraan in dad farabadan oo abaarta uga barakacay Gobolada Dhexe Baay, Bakool, iyo Gobolada kale ee Puntland iyo gedo, kuwaas oo aysan jirin cid u garmatay ama wax u qabatay kadib markii dadka Soomaaliyeed & Hay’adaha samafalka ay gaabiyeen, cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in abaarta dalka kajirta ay xilligaan sabab u tahay in Afar xilli dalka uusan ka da’in wax roob ah taasna ay keentay in Cimilada ay isbedel ku yimaadaan’ sidoo kalena dadku ay beeraha u tacbi waayeen arrimo ku saabsan in goobaha qaar lacago lagu soo rogay.
“Dadka qaarkood amni darro ayaa barakicisay waayo qaarkood markii ay doonaaan inay beer tacbadaan waxaa lagu xujeeyay in lacag la dulsaaray, taas waxaa dheer waxaa jira isbedel dhanka cimilada ah oo roob la’aan ay dalka ka dhacday iyo in Al-Shabaab ay ka hor istaageen tacbashada Beeraha sidaasna ay ku noqdeen kuwo aan laga warqabin ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Ugu dambeyn wuxuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in dadka ay abaarta saameysay aan loo gurman karin sababo la xiriira in degaannada fogfog ay maamulaan Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay in Markaba sida Macaawino oo ay leeyihiin Hay’adaha UN-ka uu dhow ilood ku xayiran yahay dekadda Muqdisho, ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu Xildhibaannnada labada aqal ka dalbaday in ay u noqoto ajandaha koowaad Shirarka ay yeelanayaan ,sidoo kalena ay qaaraan iska aruuriyaan, wuxuuna sidoo kale codsaday in lacagtii laga qaaday musharixiinta Madaxweynaha qeyb kamid ah dadka ay abaarta saameysay loogu gurmado.