Home Wararka Gudaha Cabdirashiid Xidig oo markale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Cabdirashiid Xidig oo markale loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

29
0

(Kismaayo-xog-ogaal) Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socda doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, iyada oo goordhow la doortay kursigii ugu horreeyay 5 kursi ee Maanta doorashadooda la qabanayo.

Kursiga Hop#072 ayaa waxaa markale ku guuleystay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kursigaan horay ugu fadhiyay, isaga oo la tartamay Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi .

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa helay 75 Cod halka musharrixii la tartamayay ee Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi uu helay 18 Cod, waxaana halaabay laba Cod, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in Magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada 5 kursi, waxaana hadda socda doorashada kursiga labaad ee doorashada Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here