Home Wararka Gudaha C/weli Gaas, C/raxmaan Faroole Cumar C/rashiid & guddoomiy-aha baarlamaanka Puntland oo…

C/weli Gaas, C/raxmaan Faroole Cumar C/rashiid & guddoomiy-aha baarlamaanka Puntland oo…

221
0

(Boosaaso-Xog-ogaal) Madaxweynayaashii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo C/weli Gaas, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Sooma-aliya Cumar C/rashiid iyo guddoomiyaha baarl-amaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa si wadajir ah bayaan uga soo saaray xiis-adda ka loosan magaalada Boosaso, gaar ahaan waxa ay ka hadleen bayaankii ay soo saareen Issimada gobolka Bari ee ay uga hadleen dag-aalkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo PSF-ka ee uu hogaamiye Maxamuud Cismaan diyaano

Mas’uuliyiintan ayaa bayaankooda uga soo horjeestay qodobadii ay habeen hore Isimada Puntland ku shaaciyeen sida ay doonayaan in lagu xalliyo xiisada Boosaaso ee u dhaxeysa Madaxweyne Deni iyo agaasimaha ciidanka PSF Maxamuud Diyaano, “Waxaan cadeyneynaa in qoraalka Isimada 5-ta ah ay soo saareen uus-an khuseyn ergadayada, talo kuma lihin, waliba sidii aan kula balanay nalama aysan wadaagin, balse waxaan qoraalkooda ka aragnay baraha bulshada, qoraalka Isimada maaha mid wax u taraya xasilooni-da iyo wadajirka Puntland” ayaa lagu yiri qoraalkan xalay ka soo baxay M/weynayaashii hore ee Puntl-and iyo qaar ka mid ah madaxda hadda ee Puntland.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay Boosaaso iyo Garoowe kulamo kala duwan ay kula yeesheen mad-axda xukuumadda Puntland, ciidamada ammaanka, bulshada qeybaheeda kala duwan iyo ganacsatada, sidoo kale waxay sheegeen in Boosaaso ay ka jirto xasilooni amni oo dadaal-badan ay ku bixiyeen.

“Waxaan ugu baaqeynaa inta ay khuseyso oo dhan in la ilaalsho nabada iyo xasiloonida Boosaaso, inta mar kale la isaga imaanayo, iyada oo maanka lagu heynayo in nabad geliyada Boosaaso iyo Puntland oo dhan aysan marna gor-gortan geli karin,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey bayaankaan ay soo wada saareen Madaxweynayaashii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo C/weli Gaas, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.