Home Wararka Gudaha Burcad hubeysan oo ka dhac ka geysaneysay xaafad ka tirsan Muqdisho oo...

Burcad hubeysan oo ka dhac ka geysaneysay xaafad ka tirsan Muqdisho oo la qabtay

158
0

Axad 26-da June 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Ciidamada ammaanka deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay kooxo burcad hubeysan iyo mootooyin nuuca bajaajta ah ay wateen burcadan, maamulka deegaanka Daarusalaam ayaa sheegay in ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen sedex nin oo burcad ah oo mid ka mid ah la dhaawacay iyo labo mooto bajaaj ay adeegsanayeen burcada hubeysan.

Burcadda ciidamada deegaanka Daarusalama qabteen ayaa loo gudbiyey saldhiga deegaankjaasi, waxa ayna ciidamada baadigoob ugu jiraan rag kale oo kooxdan la socotay oo baxsaday, xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya maalmahan burcada hubeesan ee dadka shacabka ah ka dhaca moobeelada iyo agabyada kale ee qaaliga ah ,burcadan ayaana ku hubeysan qoryo iyo bastoolado, shacabka magaalada Muqdisho ayaa qatyaan ka taagan burcada magaalada ku soo korortay oo qaarkood xiran yihiin dareeska ciidamada, mana jiro wax talaabo ah oo laamaha ammaanka ka qaadeen burcadan magaalada kusoo korortay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.