Home Wararka Gudaha Burcad hubeesan oo xalay Muqdisho lagu qabtay iyo Taliska booliiska oo...

Burcad hubeesan oo xalay Muqdisho lagu qabtay iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

331
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Ciidamada booliiska Soomaaliya oo xalay  howlgal gaar ah ka fuliyay Degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay  gacanta ku dhigeen burcad hubeesan oo dhac u geesanayay dadka shacabka ah.

Dadka deegaanka ayaa ku war galiyay booliiska burcada hubeysan oo dhac ka geysanayey xaafado katirsan degmada Warta Nabada iyo Yaqshiid , waxa ayna ciidamada gacanta ku dhigeen burcadaasi oo  iska hor imaad kala hor yimid  ciidamada.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Gen Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidamada ku guuleesteen in ay gacanta ku dhigaan sadex nin oo burcad ahaa, waxa ayna u mahad celisay shacabka oo sida ay sheegtay gacan ka geestay soo qabashada burcada.

”Ciidanka boliiska oo howlgal ka fuliyay degmada Warta Nadda ka dib marka ay warbixin ka heleen shacabka degmada ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad oo hubaysan oo shacabka ku dhici jiray degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaqshiid, Israsaaseyn ka dib ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay burcaddaas ayey tiri Gen Zakiya.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.