Home Wararka Gudaha Boqortooyada Sucuudiga oo Safiir u soo magacowday Soomaaliya

Boqortooyada Sucuudiga oo Safiir u soo magacowday Soomaaliya

105
0

Boqortooyada Sucuudiga ayaa safiir rasmi ah u soo magacowday Soomaaliya.

Danjire Axmed bin Maxamed Al-Mawluud ayaa noqon doona safiir u horreeyey ee Muqdisho fadhiisan doona 30 sanno kaddib.

Boqorka Sucuudiga ayaa ku dhaariyey danjiraha habka-fogaan-aragga.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay socdaal ku yimid Muqdisho si ay u darsaan suurtagalnimada in Safaaradda Sacuudi Carabiya laga furo Soomaaliya.

Safarku wuxuu qayb ka ahaa qorshayaasha Riyaad ee ah inay fidiso shabakadeeda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.