Home Wararka Gudaha Booloska Tansaaniya oo nin Soomaali uga shakisan in uu ka dambeeyay toogasho...

Booloska Tansaaniya oo nin Soomaali uga shakisan in uu ka dambeeyay toogasho ka dhacday dalkaas

143
0
Shan qof oo ay ku jiraan saddex askari oo boolis ah, hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday toogasho maalinimadii shalay ka dhacday meel u dhow Safaaradda Faransiiska ee aadka loo ilaaliyo ammaankeeda ee magaalada Daru-salaam. (Tanzania)

Booliska ayaa sheegay toogashadan oo ay ku dhaawacmeen lix kale in uu ka dambeeyay nin la aamisan yahay inuu Soomaaliya ka yimid.  Illaa haddana ma cadda in is-rasaaseynta ka dhacday aagga safaaradda Faransiiska ay tahay weerar argagixiso.

Taliyaha guud ee booliska Simon Sirro wuxuu wariyeyaasha u sheegay inay baaritaano socdaan. Wuxuuna shacabka dalkiisa ka codsaday in ay la wadaagaan macluumaad.

“Saakey (shalay) ayey moto uu watey ka dhaceen laba Police Tanzanian ah asna Bastoolad ayuu soo qaatey labadii askari ayuu diley labadii qori buu ka qaatey. Wuxuu askari kale ku dilay safaarada Faransiiska horteeda,  aaqirkiina waa la toogtey Wiilka,” Waxaa sidaasi HOL u sheegay qof ku sugan Tansaaniya.

Xogo uu helayo HOL waxay sheegayaan in ninka falkaan geystay uu dhowr sano ka hor uu tagay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo walaalkiis oo Alshabaab katirsan lagu diley isagana uu markii dambe ku biirey Alshabab.

Booliiska Tansaaniya ayaa dabagal xooggan ku hayay tan iyo markii uu dib ugu laabtay dalkaasi, waxaana ugu dambayn shalay uu toogasho ku dilay saddex askari oo katirsan booliiska iyo qof shacab, kadibna isaga ayaa la toogtay.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.