Home Wararka Gudaha Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay tirada dadkii ku dhintay qaraxa

Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay tirada dadkii ku dhintay qaraxa

145
0

ku dhawaad 10 ruux, ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay sidoo kale in ay ku dhawaacmeen 9 ruux, kuwaasoo hadda xaaladooda Caafimaad lagula tacalaayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray Saraakiil dowladeed iyo dad shacab ah oo goobta marayay.

laamaha Ammaanka ayaa sheegay in laga yaabo in khasaare ay sii kordhaan maadaam ay jiraan dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay Isbitaalada.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.