Home Wararka Gudaha Booliiska Gobolka Nugaal oo hawlgal qorshaysan oo ka fuliyay caasimadda Garoowe.

Booliiska Gobolka Nugaal oo hawlgal qorshaysan oo ka fuliyay caasimadda Garoowe.

164
0

24 Feberaayo, (Garowe-xog-ogaal) Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal, oo kaashanaya Hay’adaha Sirdoonka Puntland, ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay Caasimadda Garoowe.

Hawgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laga fuliyay xaafado ka tirsan Caasimadda.

Ciidanka ayaa baritaan ku sameeyay qaar ka mida Hoteelada, Guryaha iyo Gaadiidka dadweynaha, si loo xaqiijiyo Amniga.

War ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu qabtay dad looga shakiyay kooxaha Nabad-diidka, inkastoo aan faahfaahin laga bixin.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.