Home Wararka Dibadda Booliiska dalka Maraykanka oo xiray xildhibaan Ilhaan cumar

Booliiska dalka Maraykanka oo xiray xildhibaan Ilhaan cumar

160
0

Arbaco 20-ka July 2022, (Washington -xog-ogaal) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka dalka Mareykanka ayaa lagu xiray magaalada Washington ee dalka Mareykanka, “maanta waxaa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya ficil diidmo shacab aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka. Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan kor ugu qaado qeylo dhaanta ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka,” ayay tiri Ilhan Omar, xafiiska Ilhaan Cumar ayaa sheegay inay ka qeyb galaysay munaasabad ka dhacaysay maxkamadda sare ee Mareykanka horteeda si ay uga mudaaharaadaan waxay ugu yeertay afgembi lagu sameeyay Roe v. Wade, oo sharci maxkamadda sare ogolaatay oo sheegaya in ilmaha la iska soo rido karo.

In kasta oo Booliska Capitol-ka Maraykanku aanu shaacin magacyada, haddana waxa ay sheegeen in 35 qof oo ay ku jiraan 17 xubnood oo Congress-ka ka tirsan la xidhay iyaga oo xannibaad waddo sameeyeen, booliiska ayaa markii hore sheegay inay xireen 34 qof, oo ay ku jiraan 16 xubnood oo ka tirsan Congress-ka, booliska ayaa sheegay in aysan sharciga waafaqsaneyn in gaadiidka la joojiyo, waxaana ay intaa ku dareen in ay soo saareen saddex digniinood oo caadi ah ka hor inta aysan xirin qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo diiday in ay waddooyinka ka baxaan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.