Home Wararka Gudaha Biden oo ogolaaday in ciidamada Maraykanka dib loogu soo celinayo Soomaaliya

Biden oo ogolaaday in ciidamada Maraykanka dib loogu soo celinayo Soomaaliya

154
0

Talaado 17-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogal) Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday codsi uga yimid Pentagon-ka oo ku saabsanaa in ciidamada Mareykanka dib loogu soo celiyo Soomaaliya si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab, sidaas waxaa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka, talaabadan ayaa meesha ka saareysa go’aankii uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ku gaaray in dhammaan ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Soomaaliya sanadkii 2020-ka.

Mareykanka ayaa dib u habeyn ku sameyn doona ciidamadiisa ku sugan bariga Afrika, waxaana uu u dhaqaaqi doonaa soo celinta joogitaankiisa Soomaaliya isagoo la tashanaya dowladda federalka Soomaaliya, sida uu sarkaalkani sheegay, in ka yar 500 oo askari ayuu Maraykanku dib ugu  celin doonaa gudaha Soomaaliya. Balse Pentagonku ma soo celin doonaan tiradii guud ee ciidamada Maraykanka ka joogay Soomaaliya ka hor xilligii Trump, tiradaas oo ahayd ilaa 750 askari.

“Waxaan aragnay, wax laga xumaado, caddeymo cad oo muujinaya in Al-shabaab ay damacsan tahay oo awood u leedahay inay beegsato dadka Mareykanka ah,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo xusay in kooxda Alshabaab ay bariga Afrika ku dishay in ka badan 12-qof oo Mareykan ah sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay ku dileen saldhigga ciidamada Mareykanka ee dalka Kenya, sarkaalku ma xaqiijin doono in Biden uu fasaxay in la beegsado hoggaamiyeyaasha gaarka ah ee al-Shabaab iyo in kale.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.