Home Wararka Gudaha Beesha Caalamka oo ku baaqday in la ilaaliyo hufnaanta doorashada

Beesha Caalamka oo ku baaqday in la ilaaliyo hufnaanta doorashada

167
0

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada.

“Waxaan aragnaa in la dhammeystiray doorashada Aqalka Saree e Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo in hanaanka laga billaabay Jubaland iyo Galmudug. Waxaan sidoo kale garowsanahay walaaca laga keenay hanaanka doorashada Aqalka sare, waxaana GWQ ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri warka beesha Caalamka.

Warka ayaa intaasi kusii daray “Iyagoo la xusuusanaya in boqolkiiba 24 ee kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan”

Waxaan soo dhoweyeen dhismaha Guddiga Amniga Doorashada, waxaana ku baaqeen in dib loo billaabo kulamada guddiga si loo xaqiijiyo in qabanqaabada amniga laga diyaariyo dhammaan goobaha codbixinta ka hor doorashada Aqalka Hoose iyo in tixgeling la siiyo amniga ergada, musharaxiinta iyo xubnaha guddiga haweenka ah.

Ugu dambeyntii warka ayaa lagu yiri “Saaxiibadu waxay GWQ iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteedy GWQ ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda”

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.