Home Wararka Gudaha Bashiir Goobe oo xilkii ka qaaday Taliyaha NISA ee G/Banaadir mid cusubna...

Bashiir Goobe oo xilkii ka qaaday Taliyaha NISA ee G/Banaadir mid cusubna Magacaabay

285
0

Agaasimaha KMG ah ee NISA ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ee Bashiir Goobe ayaa xilkii waxaa uu ka qaaday  Taliyaha NISA ee G/Banaadir  Yasiin Fareey, isaga oo taliye Cusub Magacaabay.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Bashiir Goobe ayaa waxaa xilka Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir loogu Magacaabay Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa lagu xusay in uu ogyahay xilka qaadistan iyo Magacaabista  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Xilka qaadistan  uu ku sameeyay Agaasimaha KMG ah ee NISA ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble Taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir ee Yaasiin Fareey ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ka hore Madaxeeynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu Yaasiin Fareey u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee NISA.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.