Home Wararka Gudaha Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wasiiro uu Magacaabay Madaxweyne Deni

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wasiiro uu Magacaabay Madaxweyne Deni

146
0

Talaado 28-da June 2022, (Garoowe-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas, fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, kulanka ayaa ahaa Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada  Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada .

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin, xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru Dawlayaasha, kuwaas oo dhamamaantood noqonaya 24, waxaana ay bedelaan Mas’uuliyiintii xilalkaan haayay balse kamid noqday Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.