Baarlamaanka Ingiriiska oo marar hore wax kasoo hadal qaaday qadiyada aqoonsiga Somaliland, ayaa mar kale berri toole wax iska waydiin doona arrintan.
“Xukuumada Somaliland way ka war qabtaa dooda uu baarlamaanka UK ka yeelanayo aqoonsiga Somaliland 18 Janaayo, waxaanu ku boorinaynaa dadka reer Somaliland ee UK jooga in ay la xidhiidhan xildhibaannadooda, waanu u mahadcelinaynaa xogeeyihii hore ee difaaca Ingiriiska Gavin Williamson” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhaq dhaqaaqa doodaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ayaa marar kala duwan kusoo noqnoqday baarlamaanka UK, isla markaana dowladaha hoose ee magaalooyinka Sheffield, Cardiff iyo Birmingham ayaa horay u aqoonsaday madaxbannaanida Somaliland.
The @somalilandmfa is aware of the adjournment debate on the 18th of January at the UK Parliament regarding Somaliland recognition.
The MFA urges Somalilanders in the UK to get in touch with their respective MPs. We are grateful to the former UK Defense Secretary #GavinWilliams
— MFA Somaliland (@somalilandmfa) January 16, 2022