Axad 26-da June 2022,(Dhoobley-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeeyay, maamulka degmada Dhoobley, odayaal dhaqmeed, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley.
Golaha wasiirada ee maamulka Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay ka mid noqdaan degmooyin rasmiga ah ee Jubbaland, madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada.