Home Wararka Gudaha Axmed Madoobe oo sheegay in deg deg lagu dooran doono kuraasta dhiman...

Axmed Madoobe oo sheegay in deg deg lagu dooran doono kuraasta dhiman ee G/ Gedo

19
0

Isniin 11-da April 2022, (Kismaayo-xog-ogaal) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo marti qaad ugu sameeyay Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo, madaxweynaha ayaa tilmaamay in kuraasta dhiman ee Gobolka Gedo iyaguna dhawaan lasoo dooran doono isla markaana matalaad la’aan ayna noqon karin dadka reer Jubbaland ee gobolkaas ku nool.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in ayna macquul ahayn doonista qaar kamid ah beesha caalamka ee raba in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ay kala qeybsadaan Xildhibaanada kasoo baxaya Gobolka isla markaana dadka matalaada iska leh ee deegaankaas kasoo jeeda ay iyagu soo dooran doonan dadka ku matalaya Baarlamaabka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubbaland ay joogaan isla markaana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubbaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee kasoo baxay qeybaha kale ee dalka.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Jubbaland ay dhibaato adag kala kulantay Maamulka Wali Sida sharci darada ah talada ku jooga loona baahan yahay in si wadajir ah xaaladan qalafsan dalka looga saaro gaar ahaan amaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay, waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay hada tahay meel aan la kala saari karin Hay’adaha amniga Dowlada iyo Al-Shabaab isla markaana ay si weyn iskugu milmeen loona baahan yahay in Xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda sida uu hadalka u dhifay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Baarlamaanku uu yahay hay’ada hooyada u ah dhamaan hay’adaha kale ee Dowladda balse ay nasiib daro tahay in Baarlamaanku uu shaqooyinkiisa u daba fadhiisto NISA isla markaana ay garan waayaan waajibkii dalka ka saara shantii sano ee lasoo dhaafay, ugu danbayntii Madaxweynahu wuxuu sheegay in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Cusuba ay saaran tahay masuuliyad weyn oo la xiriirta samata bixinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here