Axad 4-ta September 2022,(Kismaayo–Xog-ogaal) Madaxwaynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab ay ku dileen 21 qof oo shacab ah degaanka Afar Irdhood ee gobolka Hiiraan, qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu ku caddeeyay in xoogaga gacansaarka la leh Al-qaacida ay doonayaan “in ay dilaan qof walba inaga kamid ah”.
“Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday gobolka Hiiraan ee Hirshabelle halkaas oo kooxahaasi ay ku dileen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba galabsan” ayuu yiri, wuxuu raaciyey: “Al-shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeena”.
“Waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin dedaaladii ay sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab” ayuu tibaaxay, Axmed Madoobe ayaa kusoo xiray: “Habka kaliyaha ee argagixisada aan kaga adkaan karo waa in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin dowladda federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan”.
In ka badan 20 qof oo rayid ah oo ka soo ambabaxay magaalada B/weyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa la rumeysanyahay in Al-shabaab ay dileen subaxnimadii hore ee shalay sedex ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen maleeshiyaatka Macawiisley una socdeen in ay u gurmadan dadkan ayaa lala eegtay miinooyin dhulka lagu aaso, waxaana laga yaabaa in khasaaruhu intaa ka badan karo.