Home Wararka Gudaha Askarta ku soo dhaawacantay dagaalka Masjidka Cali Gaduud oo la keenay Muqdisho

Askarta ku soo dhaawacantay dagaalka Masjidka Cali Gaduud oo la keenay Muqdisho

189
0

Axad 23-da October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo shalay dagaal culus kula galay kooxda Al-Shabaab Deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad dhaawacyo horey loogu keenay Gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer. Waxaa uuna eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgalada dalka loogu xoreynayo Shabaan in uu caafimaad deg deg ah Alle siiyo, Asigoona xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira kooxdaasi, guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha aegagixisada ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

askarta kusoo dhaawacantay dagaalka masjidka cali gaduud oo la keenay muqdishoaskarta kusoo dhaawacantay dagaalka masjidka cali gaduud oo la keenay muqdishoaskarta kusoo dhaawacantay dagaalka masjidka cali gaduud oo la keenay muqdisho

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.